Amaanka Magaalada Jowhar oo si weyn loo adkeeyay iyo Ciidamo dheeraad ah oo la geeyay

0

Amaanka Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana maalinta berri ah lagu wadaa in uu ka dhaco caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.

Ciidamo dheeraad ah oo Muqdisho ka tagay ayaa gaaray Magaalada Jowhar si ay u sugaan Amniga Magaalada, waxaana wadooyinka waa weyn ee Magaalada Jowhar la soo dhoobay Ciidamo badan.

Qaban qaabo ku aadan caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa ka socota Magaalada Jowhar, waxaana gabi ahaanba si weyn loo adkeeyay Amniga xarunta lagu wado in uu ka dhaco caleemo saarka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madax ka socota Maamulka Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan caleemo saarkan.