DHAGEYSO WAREYSI:- AMISOM oo Madaafiic ku garaacday Gobolka Sh/Hoose iyo Khasaaro ka dhashay

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa duqeyn xalay ciidanka AMISOM ay u geysteen tuulo ku dhow deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay dadka deegaanka  ay sheegeen ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM  ayaa  ku dhuftay 2 hoobiye tuulada Abanaana oo hoos timaada deegaanka Jannaale.

Hoobiyeyaasha ayaa lagu soo warmaya in ay ku dhaceen Guryo ay leeyihiin dad shacab ah waxaana ku dhintay laba qof sida ay xaqiijiyay dadka deegaanka.

Ciidanka AMISOM wali faahfaahin kama bixin duqeyn la sheegay in ay ka geysteen gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidanka AMISOM lagu eedeeyay in ay duqeyn u geystay dad shacab oo hal qoys kasoo wada jeeda , inkastoo ciidanka AMISOM  ay beeniyay eedeymahaasi.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wariye Jooga Janaale oo aan Wareysanay:-