AMISOM “Xaalad adag ayaa ka jirta Ceel-baraf

0

AMISOM ayaa sheegtay dadka ku nool Deegaanka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe inay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Amisom, labo Ceelbiyood oo deegaanka ku yaalay inay qarxiyeen Ururka Al Shabaab, Ceelashaasi waxaa biyaha ka cabi jiray Dadka Deegaanka.

Taliyaha Xerada Deegaanka Ceelbaraf ee ciidamada AMISOM oo koox suxufiyiin ah kula hadlay deegaankaasi, ayaa wuxuu sheegay ciidamada AMISOM in ay baaq u dirayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka Soomaaliya inay ka shaqeyso sidii Maamul iyo ciidan Boolis ah loo keeni lahaa isla deegaankaasi.

Ciidamada AMISOM ayaa mar ka soo baxay Deegaankaasi, xilligaasi ayeey Shabaab qarxiyeen ceelashii biyaha Deegaanka ceelbaraf.