Booliska Magaalada San Diego oo baahiyay muuqaalka dilka nin Madow ah

0

Booliska magaalada San Diego ayaa baahiyay cajalad muuqaal ah oo muujineyso toogashadii talaadadii loo geystay nin madow ah oo aan hubeysnayn.

Muqaalkaasi ayaa muujinayay labo askari oo la murmaya ninkan madowga ah oo lagu magacaabo Alfred Olango, oo ahaa nin qaxooti ah oo reer Uganda ah, ka hor inta mid ka mid ah labadaasi askari uusan rasaas ku furin ninkaasi.

Boolisku waxa ay sheegeen in ninkaasi uu u dhaqmay si xun balse hooyadii ayaa warbaahinta u sheegtay in wiilkeeda uu qabay xanuunka dhimirka, ayna ahayd in la caawiyo balse aysan ahayn in la toogto.

Toogashadaasi ka dhacday El Cajon ayaa sababtay in muddaharaadyo ay halkaasi ka dhacaan.