Boqorka Sacuudiga oo Soomaaliya ugu Hambalyeeyay 21-ka October

0

Boqorka Wadanka Sacuudiga Boqor Salmaan Binu C/casiis ayaa Dowladda Soomaaliya u soo diray Hambalyo  ku aadan 21-ka October,waxaana War ka soo baxay Boqortooyada Sacuudiga lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda ay ugu Hambalyeeynayaan Maalinta 21-ka October .

Boqortooyada Sacuudiga ayaa 21-ka October u taqaan Maalinta Xoriyadda Soomaaliya,balse ma ahan ee waa Maalintii Kacaanka oo Dowladdii Milatariga Soomaaliya oo uu Hogaaminayay Alle ha u Naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre uu dalka Afgambiga ku qabsaday 1969-kii.

Dowladda Sacuudiga ayaa Hambalyadaan ay Dowladda Soomaaliya u soo dirtay bilowday illaa Sanadkii 2007,waxaana illaa Xilligaa marka la gaaro 21-ka October ay Soomaaliya u soo dirtaa Dhambaal Hambalyo ah.

Dowladda Soomaaliya dhankeeda kama hadlin Dhamaalka ay had iyo jeer Boqortooyada Sacuudiga u soo dirto Soomaaliya.