Burcad Badeeda Soomaaliyeed oo laga cabsi qabo in ay soo laabtaan

0

Iyadoo warbixinadii ugu dambeeyay lagu daabacayay in la wiiqay awooda Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa hadana waxaa soo baxayo baqdin xoogan oo laga muujinayo in ay soo laabtaan Kooxahaasi.

Khuburo dhowr ah ayaa ka digay in Kooxha  Burcad Badeeda Soomaaliyeed ay soo laabtaan, islamarkaana ay la soo baxaan awoodo horleh.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in ay marwaliba jirto khatarta burcad Badeeda, iyagoona ku taliyay in la sameeyo feejignaan dheeri ah.

Khuburadan ayaa shaaca ka qaaday in Sanadii 2011-kii 176 Weerar ay dhaceen, kuwaasi oo lagu beegsanayay doonyo iyo maraakiib shisheeye.

Sikastaba, Warbixino ay soo daabaceen Hay’addaha la socodka Biyaha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in hoos ay u dhaceen Weeraradii Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed.