Carruur ku sugan xerada Calais oo aanan haysan meel ay seexdaan

0

Dhowr boqol oo qof oo muhaajiriin ah ayaa weli ku harsan xerada ‘Juungalka’ ee Calais, sida ay ku soo warramayaan weriyayaasha BBCda ee ku sugan goobta, inkastoo saraakiisha Faransiiska ay ku andacoonayaan in xeradu ay haatan faaruq tahay.

Ilaa 200 oo carruur ah oo aanay cidana la socon ayaa looga tegay goobta iyagoon haysan meel ay habeenkii seexdaan, sida uu soo sheegayo weriyaha BBCda ee Yurub Gavin Lee.

Waxaa la sheegayaa in carruurtaasi ay aad gacan ugu baahan yihiin.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ku dhawaad 5,600 oo qof ayaa Isniintii la geeyay goobo dadka lagu qaabilo.

Dadkaasi waxaa ka mid ah ku dhawaad 1500 oo carruur ah oo qeyb ka deganaa xerada.