Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose

0

Dagaal u dhexeeya Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ayaa Xalay ka dhacay Degaanka Number 50 Ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana Dagaalka uu yimid ka gadaal markii Shabaab ay Weerar ku qaadeen Fariisimo Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Number 50.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu Sababay  Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinnacyada Dagaalamay.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa la sheegay in ay Xalay Madaafiic ku Garaacee Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabelaha Hoose,waxaana Dadka Qoyooleey ay Cabasho ka yihiin Madaafiicda Joogtada ah ee lagu Weeraro Qoryooley.