Ciidamada ilaalada xeebaha Libya oo weeraray doon ay tahriibayaal saarnaayeen

0

Rag hubeysan ayaa weeraray doon ay tahriibayaal badan saarnaayeen xeebta dalka Libya, waxaana weerarkan ku dhintey afar ruux halka 25 kalana la la’ yahay.

Doon nooca dheeraysa ah oo ay leeyihiin ilaalada xeebaha Libya ayaa weerartay doon ka sameysan caag oo ay saarnaayeen 150 tahriibayaal ah gudaha badda Mediteraneanta meel ku dhow dalka Libya,waxayna garaacmo iyo ul ku bilaabeen dadkii saarnaa doonta, waxaana la sheegay in afar ka mid ah ay dadkii tahriibayaasha ahaa ay ku dhaceen badda.

Hay’ada lagu magacaabo Sea Watch oo u dirty maraakiib soo badbaadisa dadkaas tahriibayaasha ayaa sheegtay in ay soo badbaadiyeen 120 ruux halka meydadka afar kalana ay heleen. Hase yeeshee lama sheegin dalalka ay ka soo jeedaan dadka tahriibayaasha ah ee saarnaa doonta la weeraray.

Waxaa weli ka socda halka doontan lagu weeraray maanta baadigoob lagu raadinayo dadka weli lagu la’ yahay badda,afhayeen u hadlay ciidamada badda dalka Libya ayaa beeniyay inay wax ka ogyihiin weerarkan lagu qaaday doonta ay tahriibayaashu saarnaayeen.

Iyadoo cimilada ay sii xumaanayso ayaa waxaa weli ka sii soconaya xeebaha dalka Libya kumanaan dhalinyaro ah inay gaaraan xeebaha Talyaaniga inkabadan 2,400 oo tahriibayaal ah ayaa laga soo badbaadiyay badda tan iyo Axadii aynu ka soo gudubnay.

Sida ay Qaramada Midoobay sheegtay ugu yaraan 3,654 oo ruux ayaa ku dhintey badda Mediterranean sanadkan oo kaliya.Wasaarada arrimaha gudaha Talyaaniga ayaa sheegtay Talaadadii aynu ka soo gudubnay in dad ka badan 145,000 oo qaxooti ah ay cagaha soo dhigeen Talyaaniga sanadkan taasoo ah tiro ka yar labadii sano ee la soo dhaafay.