DHAGEYSO:- Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo Howlgal gaar ah ka fuliyay Gobolka Sh/Hoose

0

Ciidanka sida Gaarka u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya ayaa Howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen Deegaanka Caanoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida warbaahinta Dowladda ay sheegtay.

Howlgan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Nabad sugid ah iyo kuwo Boolis ah.

Deegaanka Caanoole ee Holwgalka uu ka dhacay ayaa waxa uu hoostagaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Howlgalkan uu aha mid bartilmaameed ah.

Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska ee Howlgalkan hogaamineysay ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in ay ku soo qab qabteen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Hub ay wateen.

Saraakiish ayaa sidoo kale sheegay Raga la soo qabtay in hada ay ku socdaan baaritaano, markaas kadibna warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin Howlgalkan Dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay in ay ku soo qab qabteen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Hub ay wateen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-