C/kariin Xuseen Guuleed oo ku dhawaaqay Arrin Naxdin ku ah Puntland iyo go’aano Cusub

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug State C/kariin Xuseen Guuleed oo xalay kulan degdeg ah la qaatay saraakiisha ciidanka Galmudug ayaa ku dhowaaqay go’aan degdeg ah islamarkaana ku saabsan dagaallada Gaalkacyo ee ay kula jiraan Puntland.

C/kariin Guuleed ayaa saraakiisha ku amaray in lasoo afjaro dagaalladaasi, islamarkaana degdeg ay jawaab cad uga keenaan daandaansi uu sheegay in dhanka Puntland ka socdo.

Wuxuu tilmaamay in shacabka Gaalkacyo ay maalin walbo dagaal u dulqaadan karin, balse maalin ama Labo maalin oo lagu soo afjarayo dagaalladaasi ay sabri karaan.

Ciidamada Galmudug ayuu sidoo kale amray in  xooggooda la geeyo Gaalkacyo si ay magaaladaasi gabi ahaan uga sifeeyaan ciidamada maamulka Puntland.

Tani ayaa sii dhalin doonta xiisadda Gaalkacyo, waxaana magaaladaasi ay tahay weli mid marti u ah dagaallo sokeeye oo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.