DAAWO:- 21 OKTOOBAR, Hambalyo Soomaalida Jecel Gobanimida Dalkooda iyo Sharaf Ku Noolaanshaha Dadkooda.

0

Damaashaadka iyo ka sheekeynta taariikhdii 21 Oktoobar 1969 iyo wax qabadkii dawladdii Kacaanka ee uu hogaaminayay Allaha U Naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre umma ay baahna qoraalo dhaa dheer iwm oo looga hadlayo horumarka dhan walba ahaa ee dalka iyo dadka ay gaarsiiyeen madaxdii xiligaa dalka hogaaminaysey.

Qofkii ku farxaya iyo qofkii ka naxayaba Waxaa ku filan oo kaliya waa dhoor iyo labaatan sano kadib ma ay jiraan wax ka dambeeyay oo dalkan iyo dadkan ku hogaamiya dhabaha danta ugu jidha Soomaalida, waxay qabteena cid gaari karta ama qaban kartaana majidho.

Sidaa awgeed waxaan leenahay Hambalyo Soomaalida Jecel Gobanimida Dalkooda iyo sharaf ku noolaanshaha Dadkooda, waxaan kaloo leenahay ogaada qalbigana ku haya Soomaalidu Waa Laba.

1- Wadaniyiin Difaacaya gobanimada Dalkooda iyo sharafta ku noolaanshaha Dadkooda
2- Khaaimul Wadaniyiin Gadanaya gobanimada Dalkooda iyo sharaf ku noolaanshaha Dadkooda

Gabagabadi abid Caalamka laguma arag dal walba oo aad tagto nin u adeega danaha Dawladdaha Shisheeye kana tanaasula danaha dalkiisa iyo dadkiisa oo taariikh wanaagsan dhaxla, Insha Allaah qofkii naga mid ah oo nolol ku gaara 20 ilaa 30 sano oo Alle Subxaanahu Watcaalaana Cimri iyo Caafimaad ku gaarsiiyo, waa hubaal in dawladdaha shisheeye ay banaanka soo dhigi doonaa xogo iyo taariikh hadda dadka ka qarsoon islamarkaana dunidda dacaladeedana laga daalacan doono ama laga dhargi doono markii ay dibedda usoo baxdo, inta ka horeysana waxaan oranayaa kuwa qalbiga madoow leh unna adeega danaha shisheeyaha Waxaan Nahay Kama Baqayno Ee Jaalle Adinku Haka Baqina Waxaa Tihiin. Insha Allaahna (History will be kind to us).

HOOS KA DAAWO