DAAWO:- Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka Magaalada Gaalkacyo

0

Ururka Al Shabaab, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka maalintii sideed iyo tobnaad ka soconaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan oo Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gudoomiyaha Gobolka Mudug, ayaa sheegay inay Magaalada Gaalkacyo ku hardamayan waxa uu ugu yeeray niman murtadiin ah.

Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan, ayaa Puntland & Galmudug ku eedeeyay in ay ku dul dagaalamayan shacabka reer Gaalkacyo, isla-markaana ay dagaalka ku dhibaateynayan.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayuu tilmaamay in dagaalka Gaalkacyo uu soconayo muddo bil ku dhow, dhawr jeerna uu wejiyo kala duwan yeeshay.

Waxaa kaloo uu sheegay in dagaalku uu sababaayo burbur ballaaran iyo dhibaato, ay labada maamulba ugu gaysanayan dadka rayidka ah, iyagoo barakicinaya, sida uu yiri.

Mar la weydiiyay saamaynta uu dagaalkaasi ku reebay rayidka, ayuu sheegay in saamayn wayn uu ku reebay oo dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakacba leh, isla-markaana ay labada maamulba la dhacayan noocyada kala gedisan ee hubka.

Abuu Cadnaan, ayaa labada dhinac ku eedeeyay inay dhibaato ballaaran gaarsiinayan shacabka reer Gaalkacyo, xilli ay abaaro ka jiraan qaybo ka mid ah Gobolkaasi Mudug.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-