DAAWO:- Al-Shabaab oo Weerar Culus ku qaaday degmada Afmadoow, Muddo Saacado ahna la Wareegay gacan ku heynta degmadaasi

0

Ururka Al Shabaab, ayaa muddo saacado ah la wareegay gacan ku haynta Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii ay weerar ballaaran ku soo qaadeen Degmadaasi.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa saqdii dhexe ee xalay dhawr jiho ka soo weeraray Degmada Afmadow, iyagoona la wareegay Saldhiga Booliska, Xarunta Maamulka Degmada iyo fariisimooyinka kale, ee Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin Degmadaasi.

Ka hor inta aanu dagaalku bilaaban, ayay Shabaabku hawada ka saareen isgaarsiintii ka jirtay Degmadaasi, waxayna gudaha u galeen xarumihii ay kala wareegeen Ciidamada Jubbaland.

Mustaf Daahir oo ka mid ah shacabka deegaanka, ayaa dagaalkan ku tilmaamay mid ay si wayn isugu fara saareen dhinacyadii uu u dhaxeeyay.

Mustaf, ayaa yiri “Abaarihii 1-dii habeenimo ee xalay, ayaa waxaa magaalada ka qarxay dagaal aad iyo aad u xoogan, ka dib markii ay soo weerareen dagaal-yahanada Al Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka.”

“Dagaalkan, ayaa ahaa mid aan caadi ahayn, xaabadda ayaa is qabsatay magaalada, waqtiguna wuxuu ahaa waqti ay hurdaan shacabka reer Afmadow.”

“Ciidamada Jubbaland oo saldhigyo ku leh magaalada waa lagala wareegay, Al Shabaab ayaana la wareegtay gebi ahaanba magaalada. Qiyaastii hal saac markii uu dagaalka socday ayay magaalada isaga baxeen Ciidamadii Jubbaland.”

“Al Shabaab lix saacadood oo xiriir ah ayay haysatay magaalada. Ciidamada Al Shabaab ayaa hawlgalo ka sameeyay meelihii ay gacanta ku dhigeen, saakay 7-dii subaxnimo ayayna ka baxeen magaalada.”

“Ciidamada Kenya oo xero ku leh meel qiyaastii 4km u jirta Magaalada Afmadow, ayaan u soo gurman Ciidamada Jubbaland, intii uu dagaalku socday. Al Shabaab ayaa madaafiic ku weerartay xerada Kenyanka, wadooyinka xerada soo galana ciidamo ayay ku daadiyeen, si aysan u soo gurman.”

Dagaalkan, ayaa sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeedba, iyadoo khasaaruhu uu u badan yahay dhinacyadii wada dagaalamay, waxaana jira waxyeelo ka soo gaartay rayidka, inkastoo ay adag tahay in faah faahin dhameystiran laga helo inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca, ayaa saakay la arkaayay iyagoo ku dulheehaabaya Degmada Afmadow, inkastoo aysan jirin duqaymo ay la beegsadeen Shabaabku.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-