DAAWO:- Beelaha Shanaad oo laga qadiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

0

Beelaha Shanaad, ayaan xubno laga siin Dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, xilli Guddiga Doorashooyinka Dadban, ay ka dhawaajiyeen in la soo xulay boqolkiiba shan iyo lixdan xubnaha Aqalka Sare.

Maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, ayaa toddobaadkii hore soo xulay xubnaha ku meteli doona Aqalka Sare, wax xubin ahna kama aanay helin beelaha la heyb sooco.

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegtay inay markii horeba fileysay cadaalad darrada lagula kacay beelahaasi.

Waxay sheegtay in Alle oo keliya uu cadaaladda haayo, dadkuna ay ku yar tahay cadaalad fallidda. Waxay intaa ku dartay inay ahayd
in Madaxda Somalida looga fadhiyay in beelaha laga tirada badan yahay ku soo daraan xubnaha u tartamaya Aqalka Sare, haddii la doono yeysan helinba codadka doorashada.

Toddobaadyada soo socdo, ayaa waxaa lagu wadaa in la soo xulo xubnaha ka imaanaya Maamul Goboleedka Hirshabelle iyo kuwa kale ee loo qoondeeyay Somaliland.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo deegaan ahaan ka soo jeedo Hirshabelle, ayaan rajo badan ka qabin in Beelaha Shanaad xubno ka hellaan Hirshabelle.

Waxaase jira warar sheegaya in Beesha Jaraarweyne ay iyadu fillan doonto in hal xubin laga siiyo Aqalka Sare, haddii aan waxba laga bedelin sida uu yahay qorshaha ay dhabarka ka riixeyso Villa Somalia.

Haddii aanay Beesha Jareerweyne helin xubinta loo ballanqaaday, ayaa waxay taasi micnaheedu tahay in Beelaha Shanaad oo idil laga qadiyay Aqalka Sare.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-