DAAWO:- Haweeney dirqi uga badbaaday Shabaabkii Soo Weeraray Magaalada Mandheera

0

Dadkii ka badbaaday weerarkii xalay lagu qaaday Hotelka Magaalada Mandheera ku yaala, ayaa waxaa ka mid ah haweeney lagu magacaabo Veronica Wambui,oo dhaawac uu ka soo gaaray weerarkaasi.

Veronica Wambui oo la hadashay Warbaahinta, ayaa waxay sheegtay in ay ka badbaaday weerar argagixiso oo lagu soo qaaday, iyadoona Alle uga mahadcelisay.

Veronica Wambui, ayaa tiri “Magaceygu waa Veronica sida aad u jeedaan waxaan ahay qof ka badbaaday weerar argagixiso. Alle ayay mahad u sugnaatay, oo weli nafta ayaa igu jirta.”

“Dhaawac ayaa iga soo gaaray weerarkaasi, illaa saddex jeer ayaa la’itoogtay, ka dibna waxaa igu soo dhacay mid ka mid ah dhegxaanta dhismaha ka samaysan.”

“Waxaan ku baxsaday oo i soo badbaadiyay Ciidamada Militariga Kenya oo goobta ka ag-dhawaa, oo ii soo gurmaday markii ay qayladeeda maqleen.”

Dhanka kale Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa baajiyay safar uu ugu amba bixi lahaa Wadanka Angola, sababo ku aadan weerarka ka dhacay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan, ayaa waxay sheegeen inay ku dileen 15 qof oo masiixiyiin ah, kana yimid deegaanada ka baxsan Gobolka Waqooyi Bari, oo Somalida Kenya ay degto.

Weerarkan, ayaa noqonayo kii saddexad oo bishan keliya ka dhaca Magaalada Mandheera, isla-markaana ay sheegatay Al Shabaab.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

mandheera-1 mandheera1-1 mandheera2-1 mandheera3 mandheera3-1 mandheera5-1 mandheera6-1