DAAWO Kenya oo faah faahisay Soomaali xalay lagu toogtay Nairobi

0

Dowladda Kenya ayaa faah faahin ka bixisay ruux xalay lagu toogtay afaafka hore ee safaarada Dowladda Mareykanka ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Ninka la toogtay ayaa la sheegay in uu ku hubeysnaa Tooreey, waxaana uu weerar ku qaaday ilaalada safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Nairobi, isaga oo aanan gaarin xarunta safaarada ayaa Booliska Kenya waxa ay ka toogteen qeybta sare ee jirkiisa, kadib markii ay ku dhufteen dhowr xabadood.

Mas’uuliyiinta Degmada Gigiri ee ay ku taalo Safaaradda Mareykanka ayaa sheegaya in ninkan la dilay uu ahaa Soomaali ka soo jeeda Magaalada Wajer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Amaanka safaarada Mareykanka ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaasi la soo dhoobay Ciidamo dheeraad ah oo amniga sugaya.

Ma jirto koox sheegatay in weerarkan ay ka dambeysay, hase ahaatee warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in ninka la toogtay looga shaki qabo inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

1 2 3 4 6