Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka, haweeneyda lagu magacaabo Angela Merkel, ayaa waxay maanta gaartay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadanka Itoobiya, waxayna booqashadan qayb ka tahay socdaal ay ku mareyso saddex ka mid ah Wadamada Qaaradda Afrika.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa dhigiisa Jarmalka ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada Addis Ababa, halkaasoo ay kulan ku yeesheen.
Shir jaraa’id oo si wada jira ay ugu qabteen Madaxtooyada Addis Ababa, ayaa waxay Angela Merkel ka digtay in Dowladda Itoobiya ay awood u adeegsato dadka kacdoonka wada.
Waxay ugu yeertay Xukuumadda Addis Ababa in ciidamadeedu ay joojiyan gacanta adag ay ku wajahayan dadka bannaanbaxyada ka wada qaybo ka mid ah dalkaasi.
“Ciidamada awoodda dheeriga ah adeegsanaya waa inay marka hore joojiyan, marka labaadna waxaa loo baahan yahay in la dhageysto mucaaradka. Mucaaradka in laga soo qaybgeliyo siyaasadda dalka waa muhiim, si siyaasaddu u noqoto mid furan.” Ayay tiri Angela Merkel.
Waxay intaa ku dartay “Madaxda Itoobiya waxaan ugu baaqayaa bal inay dhageystaan cabashada ay muujinayan dadka bannaanbaxyada wada, si meesha ay uga baxdo waxyaabaha ay ka qaylo dhaaminayan.”
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka barbar hadlayay hogaamiyaha Jarmalka, ayaa meesha ka saaray in dowladdu ay awoodo dheeri ah u adeegsanayso kacdoon wadayaasha, hase ahaatee la baari doono, haddii ciidamadu awoodo dheeri ah u adeegsadeen bannaanbaxayasha.
“Dowladdu ma adeegsato awoodo xad dhaaf ah oo ku wajahan dadka dibadbaxyada samaynaya, balse haddii ay jirto awood xad dhaaf ah oo ciidamadu ay adeegsadeen, taasi waanu baareynaa.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.
Hailemariam Desalegn, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa maalintii Axada ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo muddo lix bilood socon doonto, oo lagu soo rogay dalkaasi.