DAAWO:- Munaasabada Dhagax Dhiga Xarunta Cusub Ee Agoonta Mama Orphan Ee Magaalada Caabudwaaq.

0

Qaar kamid ah Caruurta Agoonta ee ku nool Magaalada Caabudwaaq oo mar sii horeeysay loo Bilaabay Daryeel dhinac kale duwan ah oo ku saabsan helitaanka Baahiyahooda kala Duwan haba ugu Horeysee ka taageerida Dhinaca Waxbarashada ayaa waxay muddo badan wax ku baranayeen Dhismo Ijaar ama Kiro ah.

Dadaal Badan oo la Sameeyay waxaa lagu guuleestay in la yagleelo Dhismaha Xarun gaar ah oo loogu tala galay in wax lagu baro Caruurta.

Hadaba Waxaa Maanta Magaalada Caabudwaaq lagu qabtay Munaasabad ay ka qayb galeen Siyaasiyiin, Waxgarad, Odayaal, Masuuliyiinta Mac-hadka Agoonta ee Mama Orphan, maamulka Jaamacadda Galgaduud, Guddiga Garoonka Diyaaradaha iyo Qaybo kale oo Bulshada ah, waxaana munaasabadaasi ay ahayd mid lagu dhagax dhigay Dhismaha Xarunta waxbarashada Agoonta ee Mama Orphan.

 

 

HOOS KA DAAWO