DAAWO MUUQAALKA:- Ugaas Xasan " Waa la iga been sheegay aniga Magaalada Baladweyne ayaa hada Jooga kama qeyb galayo Xaflada Caleemo Saarka, mana tagayo Jowhar"..

0

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay been abuur yihiin in uu ka qeyb galayo Caleemo Saarka Madaxda Cusub ee Maamulka HirShabeelle.

Ugaas Xasan ayaa sheegay in wararkaasi ay been abuur yihiin isla markaana uusan ka qeyb galeyn taageersaneyn Madaxda Cusub ee Maamulka HirShabeelle.

Waxa uu sheegay Ugaas Xasan in uusan tagin doonin Magaalada Jowhar, waxa uu xusay in Cali C/llaahi Cosoble oo ah Madacweynaha Maamulka HirShabeelle in aysan ka wada hadlin Arrimaha Maamulka.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-