DAAWO:- Ra’isa Wasaare Ku Xigeenka Dalka oo tacsi u diray Dowladda Qadar

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa saxiixay Buugga Tacsida ee Amiirkii hore ee Dalka Qadar Sheekh Khalifa Bin Xamad Al Taani oo uu Alle uga baryay inuu Janatul Fardowso ka waraabiyo.

Mudane Carteh oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya ayuu uga tacsiyeeyay geeriidi ku timid Amiirkii hore ee Dalkaasi.

“Waxaan uga tacsiyadeynayaa Caa’ilada Xukunka heysa, Dowladda iyo Shacbiga Qadar geeridii ee ku timid Amiirkii hore ee Dowladda Qadar Sheekh Khalifa Bin Xamad Al Taani, Waxaana Alle uga baryayaa inuu Janatul fardowso ka waraabiyo”.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo saxiixay Buugga tacsida ayaa waxa uu ka codsaday Safiirka Dowladda Qadar inuu tacsi ka gaarsiiyo Madaxda ugu sarreeysa Dalkaasi, waxaa kaloo uu kala hadlay sidii loo sii kordhin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada Dal.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

111-1 11-5