DAAWO SAWIRADA:- Dowladda Turkiga oo Gaadiid ku wareejisay dowladda Soomaaliya

0

Dowladda Turkiga oo ka mid ah dowladaha taageera dowladda Soomaaliya ayaa Maanta ku wareejisay  Gawaari nooca Basaska ah oo aan rasaasta Karin Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Gawaaridaan  ayaa loogu tala galay maxaabiista ku jirta Xabsiyada magaalada Muqdisho in lagu qaado xilliyada la geynaayo Maxkamadaha.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay  in Taliska Asluubto uu u baahnaa baabuurtaan, islamarkaan waxa uu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo deeqdaan soo gaarsiisay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Basaskaan  oo tiradooda ay tahay 2 ayaa waxaa loogu tala galay in loogu adeego Maxaabiista  ku xiran Xabsiyadda Muqdisho sida uu sheegay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Amb Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe)

Hoos ka Daawo Sawirada:-

bas-640x382 basas basas1