DAAWO SAWIRADA:- Faah faahino ka soo baxaya Shil Gaari oo ka dhacay Muqdisho

0

Waxaa gelinkii dambe ee Shalay Degmada warta-nabadda gaar ahaan wadada Wadnaha ka dhacay shil Gaari, kadib markii ay isku dhaceen labo Gaari oo nuuca raaxada ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in shilka uu ahaa mid xoogan, maadaama Labada Baabuur ee isku dhacay ay ku sacdeen xawaare sare.

Shilkan ayaa la sheegay in uu geystay khasaare dhaawac ah, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay shilkan.

Sawiro laga soo qaaday Labada Baabuur ee isku dhacay ayaa muujinaya in Baabuurta uu soo gaaray bur bur xoogan, maadaama ay xawaare sare ku socdeen.

Ciidanka Ilaalada wadooyinka ayaa shilka kadib waxa ay soo gaareen goobta uu shilka ka dhacay, si ay u qiimeeyaan xaalada dhabta ah.

Maalmihii u dambeeyay Magaalada Mqudisho waxaa ku soo badanayay shilalka Gaari, kuwaas oo geysanayay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

8 1 2 3 4 5 6 7