DAAWO SAWIRADA:- Hal qof oo ku dhintay roob ka da’ay Magaalada Laascaanood

0

Hal Qof ayaa ku dhintay Roob xoog leh oo 24kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Qofka dhintay oo ahaa Wiil Dhallinayaro ah ayaa waxaa qabsatay Maaso ka dhalatay Koronto dhex martay Daadka Roobka xoogga leh ee ka da’ay magaaladaas.

Ciidamada Booliska Magaalada Laascaanood ayaa xabsiga dhigay maareeyihii shirkadda korontada ee Laascaanood, kadib markii uu dhacay shilkaasi koronto ee sababay dhimashada halka ruux.

Ciidamada ma sheegein waxaa ay ka yeelayaan Maareeyaha la xiray,inkasta oo warar so baxaya ay sheegayaan in looga fadhiyo magdhowga Wiilka ay dishay Korontada magaaladaasi.

Sidoo kale Magaalada Laasaacnood ayaa xalay ilaa maanta ah Koronto la’aan kadib markii la damiyay Koronta oo uu ka dhashay khasaare nafeed.

Daad xooog leh oo ak dhashay Roobka ka da’ay Laascaanood ayaa sababay in Guryaha qaar ay jiingadaha qaadmaan sidoo kalena ay xirmaan Waddooyinka u badan Laamiyada Duugga ah ee mara Magaalada.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

20161021_142145-1 20161021_142145-1-1 img_0554-1-1024x768