DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne C/weli Gaas oo Maanta Gaaray Magaalada Qardho

0

Madaxwaynaha  Maamulka Puntland Dr. C.wali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar.

Nasasho iyo qado ay ku qaateen Madaxwaynaha iyo wafdigiisa xarunta madaxtooyada magaalada Qardho waxa ay  dhagax dhigeen wado cusub oo laami ah taasoo ah tii 10-aad ee laga hirgaliyo magalaa Qardho halka sidoo kale uu xariga ka jaray mid horay loo dhamaystiray oo dhexmarta xaafada Qoryacad.

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan oo goobta xariga loooga jarayay wada cusub ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in madaxwaynaha Maamulka  Puntland uu kala soo qaybgalo xarig jarka iyo dhagax dhiga wadooyin laami ah oo laga hirgaliyay Magalada Qardho duqa ayaa sheegay wada xariga laga jarayo in cabirkeedu yahay 1 km iyo 200m halka tan la dhagax dhigayna ay tahay 1 km iyo 400 m duqa ayaa sidoo kale xusay wadooyinkan inay qayb ka yihiin mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda kuwaaso qayb ka mashaariicda JPLG (Joint Program on Local Government)

Madaxwayne gaas iyo wafdigiisa ayaa ugu dambayn u ambabaxay caasumada  Maamulka Puntland ee Garowe iyadoona la filayo in Madaxwaynaha uu halkasi ka furo kala fadhiga 38 ee Baarlamaanka Puntland oo dib u dhac ku  yimi xili la filayay in kala fadhiga uu si rasmi ah u furmo 25 kii bishan October.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

dsc08918 dsc08924 dsc08926 dsc08928 dsc08931 dsc08934 dsc08939 dsc08944