DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo la kulmay Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland

0

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha  Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 22 October, 2016 quraac sharaf u sameeyey xubnaha aqalka sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya u matalaya Puntland, kuwaas oo ay khamiistii lasoo dhaafay doorteen baarlamaanka Puntland.

Kulanka quraac sharafta ah waxaa goob jog ka ahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo labada guddoomiye ku-xigeen, xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer Federaal, Wasiirro iyo Agaasimka Madaxtooyada  Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo quraacda kadib hadal dar-daaran ah u jeediyey xubnahaan Puntland u meteli doonaa Aqalka Sare ee dawladda Federaalka ayaa sheegay in looga baahan yahay xubnahaan ugu horrayn in ahaa kuwo ka digtoon go’aan walba oo golaha la horkeeno iyo ujeedooyinkiisa, sidookalena looga baahan yahay in muujiyaan feejignaan dheeraad ah isagoona Madaxweyne ku-xigeenku ku tilmaamay xubnahaani in ay yihiin labeentii Puntland.

Kusimaha Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xubnahaani ay yihiin kuwo uu shacabka reer Puntland kalsooni buuxda ku qabo isla markaana dhammaantood ku suntan horumarka iyo nabadda Puntland, taa beddelkeedana looga baahan yahay in aanay lumin kalsoonida buuxda ee uu shacabkoodu ku qabo.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

dsc_0986 dsc_0988 dsc_0992 dsc_0993 dsc_0995 dsc_0997 dsc_0999 dsc_1001 dsc_1002 dsc_1004 dsc_1006 dsc_1007 dsc_1008 dsc_1011 dsc_1014 dsc_1017 dsc_1019 dsc_1023