DAAWO SAWIRADA: Meydka 140-Qof oo mar qura la wada aasay..

0

Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga ayaa la sheegay inay shalay duqeeyeen dad ka qeyb galayey Tacsi lagu qabtay Dhismo ku yaalla Caasimadda dalka Yemen ee Sanca.

Tacsidaasi ayaa loo dhigay Marxuum Jalaal Al-roweyshan oo ahaa Aabaha dhalay Madaxa Arrimaha Gudaha ee Maamulka Xuutiyiinta.

Duqeyntaasi ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 140 qof, laguna dhaawacay in ka badan 525 qof, waana dhimashadii ugu badnayd ee hal meel ka dhacda dalka Yemen, tan iyo markii ay Xuutiyiinta xoog xilka kala wareegeen Dowladda Sharciga ee Yemen bishii Maarso ee sannadkii hore.

Dhinaca kale, Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka, Ned Price ayaa cambaareeyey duqeyntaasi, wuxuuna sheegay inay jari doonaan taageeradda ay siiyaan Isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiyo.

maydad-yemen-1-300x169 maydad-yemen-5-300x199 maydad-yemen-300x169 yemen-4-300x200 yemen5-300x200 yemen6-300x200 yemen7-300x200 yemen8-300x200