DAAWO SAWIRADA:- Xaflada Caleemo Saarka Madaxda Cusub ee HirShabeelle oo Jowhar ka socoto

0

Caleema Saarka Madaxweynaha iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Caleema saarka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan , Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan , gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Wafdi ka socda Beesha Caalamka, iyo sidoo kale Qaar ka mid ah ururada Bulshada rayidka ah.

Madaxda ayaa halkaasi ka jeedinaya Khudbado kala duwan oo ay kaga hadlaayaan caleema saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Cali Cabdulaahi Guudlaawe.

Shirka waxaa ka maqan Qaar ka mid ah Waxgaradka gobolka Hiiraan oo maanta Shir ay ku qabteen Baledweyne ku sheegay in aysan taageersaneyn maamulka Hirshabeelle.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

calemasaar-1 calemasaar-2 calemasaar-3 calemasaar-4 calemasaar-5 calemasaar-6 calemasaar-7 calemasaar-8 calemasaar-9 calemasaar-10 calemasaar-11