DHAGEYSO+SAWIRRO:- Khudbadihii Xafladii Caleemo Saarka ee Madaxda Cusub ee HirShabeelle

0

Caleema Saarka Madaxweynaha iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Caleema saarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan , Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan , gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Wafdi ka socda Beesha Caalamka, iyo sidoo kale Qaar ka mid ah ururada Bulshada rayidka ah.

Madaxda ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbado kala duwan oo ay kaga hadlaayeen caleema saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Cali Cabdulaahi Guudlaawe.

Caleema Saarka waxaa ka maqnaa Qaar ka mid ah Waxgaradka gobolka Hiiraan oo maanta Shir ay ku qabteen Baledweyne ku sheegay in aysan taageersaneyn maamulka Hirshabeelle.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa diiday in uu ka qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle .

 

 

Hoos ka Daawo Sawirada:-

7-4

calemasaar-11 calemasaar-10 calemasaar-9 calemasaar-6 calemasaar-7 calemasaar-8 calemasaar-5 calemasaar-4 calemasaar-3 calemasaar-1 calemasaar-2