Dagaalo Culus iyo Duqeymo ka bilowday Magaalada Xalab

0

Dagaal culus ayaa ka billowday magaalada Xalab ee dalka Suuriya, kaddib markii ay dhammaatay muddadii xabad joojinta ee socotay dhawrka maalmood.

Sida ay sheegtay koox xaquuqul insaanka ka shaqeysa oo reer Suuriya ah oo saldhiggeedu yahay dalka Britain, dagaalka iyo duqeymaha ayaa billowda xalay, waxaana diyaaradaha dagaalka ay duqeymo la beegsadeen furimaha hore ee ku yaala koonfur galbeed magaaladaasi Xalab.

Sidoo kale degmooyinka ku yaala bariga magaaladaasi ayaa waxaa ka jiray dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Suuriya iyo kooxaha fallaagada.

Waxaa jira walaac ku saabsan gargaarka bani’aadanimo oo aan la gaarsiin magaaladaasi muddadii ay xabbad joojinta ka jirtay.

Heshiiskaasi xabbad joojinta ayaa markii hore waxaa ku dhawaaqay dowladda Ruushka oo iyadu duqeymo ay ku taageereysay dowladda ka wadday magaaladaasi.

Cismaaciil Al-Cabdullah oo ka tirsan yahay dadka magaaladaasi Xalab isla markaana qayb ka ah kooxaha gurmadka ayaa BBC-da u sheegay in duqeyo loo gaystay goobaha mucaaradka, gaar ahaanna furimaha dagaalka.

In kastoo dowladdaha Ruushka iyo Suuriya ay shacabka ugu baaqeen in ay isaga baxaan magaaladaasi, haddana Cismaaciil waxaa uu sheegayaa in dadka rayidka ah aysan isaga bixin magaaladaasi, sababtoo ah buu yiri ma ay rumeysana in ay badbaadayaan haddii ay magaalada ka baxaan.

Qaramada Midoobey ayaa jimcihii la soo dhaafay sheegtay in sababo ammaan awgood ay u hakisay qorshe dadka u baahan daryeel caafimaad looga daad gureynayo magaaladaasi.

Magaalada Xalab oo ahaan jirtay magaalada ugu weyn dalkaasi Suuriya ayaa hadda burbursan, waxa ayna u kala qaybsan tahay dowladda madaxweyne Asad oo dhanka galbeedka maamusha iyo fallaagada oo bariga maamusha.

Ismail Al-Abdullah, oo deggan Aleppo oo ka shaqeeya iskaa wax u qabso ah kooxda difaaca madaniga ah ee White HelMet sida, u sheegay BBC-da waxa ka dhacaya:

NAME: Aleppo MARKHAATI Ismail al-Abdullah: Dagaal Big

NUMBER: 53734

“tan iyo markii uu dhamaaday heshiiskii xabbad joojinta ee mudda saddex saacadood ka hor ah ilaa hadda waxaan arkayay duqeymo lala beegsanayo furimaha hore ee dagaalka, waxaan sidoo kale maqlayay dhawaca rasaasta la is weydaarsanayo, gaar ahaanna magaalada qaybteeda qaddiimiga ah. Waxaan ka maqalnay idaacada in diyaaradaha dagaalka ay ku jiraan hawada magaalada. Ilaa haatan ma jirin duqeymo ka dhan ah dadka rayidka ah.

NAME: Aleppo MARKHAATI, mid ka mid No aaminsan in Russia

NUMBER: 53740

“Ruushka ayaa sheegaya in uu furay waddo ammaan ah oo dadku ku bixi karaan, gargaarkana uu ka soo gali karo magaalada balse ma jirta qof taa rumeysanaya sababtoo ah dhawr jeer ooh ore ayay sidaan oo kale yirahdeen dadkii iskudayay in ay ka baxaan magaalada waxa ay soo sheegeen niman shiishka ku dheereeya oo dadka tooganaya iyo duqeymo ka dhan ah goobahaasi. ma ay jirta cid rumeysanaysa waxa ay sheegayaan sababtoo ah arrintaasi marar badan oo hore ayay dhacday ee ma ahan markii ugu horreysay.

Xigasho BBC