DEG DEG+AKHRISO:- Maxaadan ogeyn oo hada ka socda Magaalada Beydhabo

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in si aad ah loo adkeeyey amaanka magaaladaasi, oo ay kusii qul qulayaan musharaxiin iyo ergooyin farabadan.

Ciidamada amaanka ayaa lagu arkayaa xaafadaha magaalada baydhabo iyaga oo ku howlan dadaalo lagu adkeynayo amaanka, loogana hortagayo cid waliba oo isku dayda carqaladeynta nabadgalyada guud ee magaalada.

Waxaa si isdaba joog ah magaalada u gaarayey baryihii dambe musharaxiin doonaya in ay ka mid noqdaan labada gole ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyo sidoo kale ergooyin doonaya in ay wax kasoo xulaan xubnaha kamid noqonaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.