DHAGEYSO:- 186 qoys oo ka soo Barakacay Dagaalada Gaalkacyo oo deeq la gaarsiiyay

0

Qoysas ka soo barakacay dagaalada Magaalada Gaalkacyo ee soo gaaray Magaalada Cadaado ayaa waxaa loo qeybiyay Teendhooyin iyo Bacayaha roobka.

Barakacayaashan ayaa waxa ay gaarayaan 186 qoys, waxaana qoysaska loo qeybiyay deeqda ay u badnaayeen qoysas ka soo barakacay dagaaladii Magaalada Gaalkacyo.

Abshir Maxamed Axmed “ Abshir Bukhaari” oo ahaa Xubintii ugu horeysay ee Aqalkii Sare ayaa sheegay inuu ku dadaalayo in  uu mar walbo Caawiyo dadka danyarta ah.

Waxa uu xusay in Iskuulo iyo gooobo kale oo Caafimaad uu u dhisi doono dadkan danyarta ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-