DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo War ka soo saartay Weerarkii Shaalay ka dhacay Baladweyne, shaacisayna iney dileen Saraakiil Jabuutiyaan ah

0

Afhayeenka Ururka Alshabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa waxa uu si adag uga hadlay Weerarkii Ismiidaamin ee Shalay lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Magaalada Beledweyne, isagoona Hanjabaad Culus soo saaray.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay Qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Qaraxii Ismiidaamin ee Shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Cali Dheere ayaa ku eedeeyey Ciidamada Jabuuti inay Dhaqan Xumo kawadaan Gobolka Hiiraan isagoona ugu hanjabay inay weeraro Xoogan ku qaadin doonaan, haddii aysan isaga bixin Gobolka Hiiraan sida uu yiri.

Hoos ka Dhageyso Codka:-