DHAGEYSO:- Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay 29 Ajannabi ah oo ay ku hayeen Soomaaliya

0

Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,ayaa sheegaya in Burcad Badeedda Soomaalida ah ay xalay siidaayeen Markab iyo Shaqaale saarnaa.

Markabka oo lagu magacaabo NIHAAM3,ayaa laga siidaayay meel ka mid ah xeebaha Gobolka Mudug,waxaana la socday 29 Maxaabiis ahaa oo u badan Shiinaha.

Kooxda Markabka heysatay ayaa la sheegayaa in ay qaateen lacag madaxfurasho ah oo ay ka heleen Sharikadda iska leh markabka Nihaam 3.

Dadka 29ka Qof ayaa isla xalay la geeyay Magaalada Gaalkacyuo,halkaas oo la filayo in maanta laga duuliyo loona qaado dhanka Dalka Kenya.

Lacagta ay qaateen Kooxda Burcad Badeedda ah caddadeeda lama sheegin,waxaana ay Markabkaasi qafaasheen 2012kii ilaa hadda ayeyna heysteen.

Markabka waxaa uu ka mid yahay Maraakiibta Ganacsiga ee mara Biyaha Soomaaliya,wararka qaar waxaa ay sheegayaan in qaar ka mid ahaa shaqaalaha ay dhinteen muddadii 4ta Sano ahayd ee ay gacanta ugu jireen Burcad Badeedda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-