DHAGEYSO:- Ciidamo ka cabanaya Mushaar la’aan iyo go’aano adag oo ay soo saareen

0

Maxamed Cumar Cabdulle Abaanduulaha Guutada 10-aad ee Ciidanka Militariga Dowladda ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu sheegay Ciidanka ku sugan Gobolka Hiiraan in ay soo wajahday Mushaar la’aan.

Wuxuu sheegay in ay jirto dhaqaale yari, taas oo keeni karta in ay hoos u dhac ku keento Howlgalada Ciidanka Militariga ay ka sameynayaan Gobolka Hiiraan.

Abaanduulaha Guutada 10-aad ee Ciidanka Militariga Dowladda ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cumar Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in ay maqan tahay taakuleynta dhinaca dhaqaalaha iyo waliba ka warqabka Ciidanka Militariga ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-