DHAGEYSO:- Cumar C/rashiid oo War ka soo saaray dagaalka Gaalkacyo ka socda

0

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa baaq u diray Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maamullada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in ay joojiyaan Dagaalka Magaalada, oo dad badan ay ku dhinteen, sidoo kalena ku barakaceen.

“Maamullada Puntland iyo Galmudug waa in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku joojiyaan Dagaalka Gaalkacyo oo dad badan ay ku dhinteen, sidoo kalena ku barakaceen, islamarkaana ay tixgeliyaan dadaalada nabadeed” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ugu dambeyn si gaar ah waxgaradka labada dhinac uga codsaday in ay xoojiyaan dadaalada nabadeed ee ay ka dhex wadaan labada dhinac.

Hoos ka Dhageyso Codka:-