DHAGEYSO DOOD KULUL:- Doodii ugu Adkayd oo Wasiiro Puntland iyo Galmudug ka tirsan Looga Qabtay Dagaalka Gaalkacyo, iyo Weerar toos ah oo la isku qaaday

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ka taagan Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug, Waxaana Barnaamij Dood ah oo loo qabtay Wasiiro ka tirsan Labada dhinac kuwaasi oo ka qayb galay Barnaamijka Maan-hadal ee Idaacada Daljir.

Barnaamijka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Maamulka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) iyagoo aan waxba isku Reeban.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa yiri “Anigu been sheegi maayo Ciidan is horfadhiya xabad inay joojinayaana ma balan qaadi karo, beenta iyo khiyaanada shacabkooda Puntland baa ku caan baxday, Nidaamka Cabdiweli iyo Xukuumadiisu ma qabo inay samatabixin karaan dadka Gaalkacyo,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Wasiirka Hawlaha guud ee Puntland ayaa yiri “Taar-Dhuleed haduu AK47 soo rido qoriga ugu weyn baan madaxa kaga jarayaa waayo waa nabad diid, Anagu Difaac ayaanu Nahay, Taar-dhuleedoow Jooji Weerarka “ .

Hoos ka Dhageyso Barnaamijka Dooda ee labada Masuul:-