DHAGEYSO:- Dowladda Mareykanka oo markale sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo duqeyntii Mudug ka dhacday

0

Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay baaritaan dheeraad ay ku sameyn doono ciidankii dhawaan lagu laayay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Safiirka ayaa xusay in dowladda Mareykanka ay qirsan tahay in aysan jirin shacab ku dhintay  duqeyntii ka dhacday duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Safiirka ayaa sheegay in wasaarada Gaanshaandhiga ee dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay in ay baarto oo ay Jawaab ka bixiso duqeyntii lagu qaaday Ciidanka Galmudug ee Saldhig ku lahaa duleedka magaalada Gaalkacyo.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in dowladda Mareykanku aysan ogeyn ilaa iyo hada in cid rayid ah ay wax ku noqotay duqeyntii Gaalkacyo.

” Dhabtii waa wax lagu xumaada hadii ay jirto dad shacab ah oo ku dhintay duqeyntii Gaalkacyo , waxaa wasaarada Gaanshaadhiga ay hada ku qanacsan tahay in aysan jirin cid shacab oo wax ku noqontay , laakiin diyaar ayaa u nahay inaan baarno oo aan jawaab ka bixo duqeyntii Gaalkacyo ” ayuu yiri Stephen Schwartz.

Hoos ka Dhageyso Codka:-