DHAGEYSO:- Dowladda oo war ka soo saartay dagaalka Magaalada Gaalkacyo

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Maamulada Puntland iyo Galmudug lagula xisaabtamayo Dagaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay in Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug ay qaadayaan Mas’uuliyada khasaaraha ka dhashay Dagaalada Magaalada Gaalkacyo.

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay Dowladda Soomaaliya in ay ka xun tahay Dagaalada Gaalkacyo, dhowr marna ay ku baaqday in la joojiyo.

Shalay ayay aheyd markii Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxaana Dagaalkaas uu u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-