DHAGEYSO:- Dowladda Shiinaha oo Agab Militari ku wareejiyay Taliska AMISOM

0

Dowladda Shiinaha ayaa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee Howlgalka u jooga Soomaaliya waxa ay ku wareejisay Agab Militari.

Agabkan Militari ee ay Dowladda shiinha ku wareejisay Howlgalka AMISOM ayaa wuxuu isugu jiraa Qoryo, Dareeska Ciidanka Gaadiid iyo waxyaabo kale, waxaana ujeedka uu yahay sidii loo xoojin lahaaa Dagaalka AMISOM ay kula jiraan ururka Al-shabaab.

Danjire Francisco Madeira oo ah Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay Agabkan AMISOM lagu wareejiyay in uu wax badan ka tari doono Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Agabkan la gaarsiin doono dhamaan Ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, isgaoo sidoo kale sheegay in ay hoos u dhacday awooda Dagaalyahanada Shabaab.

Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Francisco Madeira ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab siiyaan Ciidanka AMISOM, si looga guuleysto Shabaab.

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah Dowladaha Soomaaliya ka Taageera Agabka Militari, iyadoo marar badan oo horey sidan oo kale Agab Ciidan ugu wareejisay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.