DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya oo beenisay Saldhig Millateri Turkiga inuu ka furtay Soomaaliya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay saldhig dhawaan dowladda Turkiga ay sheegtay in ka furatay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Saldhigaas ayaa dowladda Turkiga waxa ay sheegtay in uu noqon doono saldhiga ugu weyn ee dowladda Turkiga ay kuleedahay Qaarada Afrika.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay war dhawaan lagu daabacay Wakaalada Wararka dalka Turkiga in saldhigaan ay dowladda Turkiga ay ka furatay  Muqdisho laga fulin doono howgallada Qaarada Afrika ee dowladda Turkiga,.

Hadaba dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in dowladda Turkiga ay saldhiga Militari ay ku leedahay Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in aysan jirin heshiis ay wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Turkiga oo ku aadan saldhiga ay dowladda Turkiga ay ka furanayso Muqdisho.

Wasiirka ayaa si cad u beeniyay Wararkaasi , waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay dowladda Soomaaliya ay kala heshiis oo kaliya Iskuulo iyo sidoo kale goobo lagu tababaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-