DHAGEYSO:- Gabar Soomaaliyeed oo Darajo sare loo dalacsiiyay iyo Madax soo dhaweysay

0

Munaasabadan oo lagu dalacsiinayay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay Dugsiga Tababarka General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha la dalacsiiyay oo dhamaantood Haween ahaa ayaa waxa ay tiradooda gaareysaa ila iyo Saddex sarkaal, waxaana la sheegay in dalacsiinta ay ku muteysteen howlkarnimo iyo fir fircooni.

Faadumo Xasan Maxamed oo ka mid aheyd Haweenka la dalacsiiyay ayaa waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaanle sare, waana Haweeneydii ugu horeysay oo Darajo sare ka qaadata Ciidanka Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo gaba gabadii Munaasabadan warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay saraakiisha la dalacsiiyay iyo waxyaabaha ay ku muteysteen.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA:-

 

wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww