DHAGEYSO:- Galmudug oo sheegtay iney diyaar u tahay iney Wada hadal la gasho Puntland

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey ayaa sheegay in Maamulkooda uu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Puntland si loo joojiyo dagaalka Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan Joojinta dagaalka Gaalkacyo, sidoo kalena in laga wada shaqeeyo Nabadeynta shacabka Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu xusay in aysan diidaneyn in la wada hadlo balse ay diidan yihiin in qaab aan wanaagsaneyn loo maro joojinta iyo wada hadalada Puntland iyo Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-