DHAGEYSO:- Gudoomiye Axmed Meyre Makaraan oo shacabka gobolka Sh/Dhexe ugu baaqay iney ka qeyb qaataan Xirida meelaha uu ku soo Fatahay Wabiga Shabeelle

0

ku simaha gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe ahna gudoomiye ku xeenka gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa shacabka deegaanka Beyxaaw ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan xerida meelo uu ka soo fatahay Wabiga Shabeelle.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shacabka deegaanka Beyxaaw loogu baahan yahay in ay Maamulka gobolka kala shaqeeyaan sidii biyahaasi soo fatahay loo xeri lahaa.

“Waxaan kula dardaarmayaa dadka ku dhaqan dhamaan deegaanada saaran wabiga shabeele inay marka hore isku tashadaan oo ay gacmahooda wax ku qabsadaan maadaama qasaaraha ugu badan ay iyagu soo gaareyso hadii uu wabiga fatahaad sameeyo” ayuu yiri Gudoomiye makaraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-