DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug oo sheegay in Askar iyo Shacab ku dhaawacmay Dagaalada Gaalkacyo la geeyay Muqdisho

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay Muqdisho keeneen dhaawacyo isugu jira askar iyo sidoo kale shacab, kuwaa soo ku dhaawacmay dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay Magaalada Gaalkacyo .

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Maamulka Galmudug Maxamed Xasan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhaawacyada la keenay Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwii ugu liitay ee kusoo dhaawacmay dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay Ka dhacaayay Magaalada Gaalakcyo ee u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadka la keenay Muqdisho ay dhan yihiin 7 ruux , islamarkaana ay isugu jiraan shacab iyo sidoo kale Askar ka tirsan ciidanka dowlad goboleedka Galmudug.

Maxamed Xasan Cali ayaa sidoo kale hadalkaasi intaasi ku sii daray in dhaawacyadda fudfudud xaaladooda Caafimaad lagu dabiibaayo isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ka dhacaayay dagaalo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO