DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Banaadir oo Faah faahin ka bixiyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Qarax khasaare geystay ayaa goordhow ka dhacay Afaafta hore Maqaayada Bule Sky ee agagaarka Taalada Xaawo Taako  ee  degmada Wartanabada ee gobolka Banaadir .

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Maqaayada Bule Sky , waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey 2 ruux ayaa ku dhimatay qaraxa 4 kalena waa ay ku dhaawacmeen Qaraxa Maanta ka dhacay Maqaayada Bule Sky ee agagaarka Taalada Xaawo Taako ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo warbaahinta kula hadlay goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa xaqiijiyay Geerida 2 qof iyo sidoo kale Dhaawaca Afarta kale.

Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xiray dhammaan wadooyinka soo gala Mayaayada Bule Sky oo uu Qaraxu ka dhacay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-