DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo hal Arrin ugu baaqday

0

Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay si wanaagsan u gudato waajibaadka Dalka ka saaran.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Mas’uuliyada guud ee Dalka in uu saaran yahay Dowladda dhexe.

Wuxuu sheegay siyaasada difaaca, mida arrimaha dibadda intaba in ay saaran tahay Dowladda dhexe, lagana doonayo in ay gudato waajibaadka Qaran ee saaran.

Soomaaliya ayaa xilligan waxaa ka dhisan Maamul Goboleedyo inat badan aanan ku tixgelin Dowladda Federaalka siyaasada arrimaha dibbada iyo mida difaaca ee Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-