DHAGEYSO:- Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadashay la wareegista Al-Shabaab Tiyeeglow

0

Al-shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta  Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, kadib markii ay saakay iskaga baxeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Al-shabaab ayaa Degmada Tiyeeglow waxa ay ku dileen 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda, kuwaas oo ku sugnaa Degmadaasi.

Dadka Deegaanka ayaa cabsi badan ay soo wajahday, waxaana dadka qaar ay ka barakaceen guryahooda.

Wasiirka Wasaarada Maleeshiyaadka iyo hub ka dhigista  Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka xun yihiin in Al-Shabaab ay la wareegaan Degmada Tiyeeglow oo ay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya ay muddo gacanta ku hayeen.

Wasiirka ayaa sheegay in Koonfur Galbeed aysan garaneynin sababta ay ciidanka dowladda Itoobiya ay kaga baxeen degmada Afgooye.

Waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed ay ku wajahan yihiin Tiyeeglow.

Hoos ka Dhageyso Codka:-