DHAGEYSO:- Madaxweynaha HirShabeelle oo sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo dhisayo Xubnaha Aqalka Sare ee HirShabelle

0

Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in Maamulkiisa uu dadajinayo Xubnaha Aqalka Sare u matali doono Maamulka HirShabeelle.

Waxa uu sheegay in uu la tashan doono qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu ilaalin doono Xuquuqda Haweenka eek u aadan ka qeyb galka Siyaasada Maamulka HirShabeelle isla markaana uu siin doono Xubnaha ay ku leeyihiin Aqalka Sare.

Hoos ka Dhageyso Codka:-