DHAGEYSO:- Maxaadan Ogeyn oo Maanta ka dhacay Magaalada Beydhabo?..

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad ayaa maanta xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed oo si bareer ah u dilay Qof shacab ah oo ku sugnaa Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Askariga la xukumay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim C/laahi Aadan, waxaana 24-kii April uu si bareer ah u dilay Qof shacab ah oo lagu magacaabi jiray Nuur Muqtaar Xuseen.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 60-aad Sheekh Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda.

Xukunka lagu riday Askarigan ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana dhowaan lagu fulin doonaa dil toogasho ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-